WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha DDS Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Safarkiisa!

JABUUTI(W,N)-Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida itoobiya mustafe muxumed cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay caasimada dalka jabuuti halkaasi oo kaga qaybgali doono shir ay qabanayso maxahadka hertage.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix.

Ajandaha sanadkan lagu falanqeynayo Madasha aragti-wadaagga ayaa halku dhiggiisu yahay Xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, muddo saddex maalin oo ay socoto Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona Madalo Dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala guurka iyo doorashada Soomaaliya.

 

Exit mobile version