|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDS Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Safarkiisa!
December 12, 2021 - Written by Editor:JABUUTI(W,N)-Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida itoobiya mustafe muxumed cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay caasimada dalka jabuuti halkaasi oo kaga qaybgali doono shir ay qabanayso maxahadka hertage. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix. Ajandaha sanadkan lagu falanqeynayo Madasha aragti-wadaagga ayaa halku dhiggiisu yahay Xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, muddo saddex maalin oo ay socoto Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona Madalo Dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala guurka iyo doorashada Soomaaliya.
Related posts:Madaxweyneha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Markii Ugu Horeysay Hambalyo U Diray Taageereyaa... Daawo: Hay,adda Shaqaalaha Oo Imtaxaan Ka Qaaday 21 Arday Oo U Tartamaya Shaqooyin Ka Banaan Dawlada 11000 kun Oo Arday Oo Saaka Somaliland Ufadhiistay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Iyo Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|