WAJAALE NEWS

Gabadh Soomaali Ah Oo Loo Doortay Maayirka Magaalo Weyn Oo Ka Tirsan Mareykanka

USA(W,N)-Golaha Deegaanka magaalada South Portland ee dalka Maraykanka ayaa Deeqa Cabdi Dhalac u doortay inay noqoto Duqa magaalada South Portland Gobolka Maine ee dalka Maraykanka.

Deqa Cabdi Dhalac oo ka tirsanayd Golaha deegaanka magaalada South Portland, gaar ahaan xaafadda 5-aad waxay dalka Maraykanka gashay sannadkii 1992, waxayna wax ku baratay dalka maraykanka, iyadoo in muddo u adeegaysay dadka ku nool Magaalada South Portland ee Gobolka Maine, gaar ahaa dadka soo galootiga ah.

Deeqa ayaa sannadkii 2018 loo doortay Golaha deegaanka Magaalada South Portland, gaar’ahaan Xaafada 5-aad.

Marwo Deqa Dhalac ayaa waxay noqnaysaa gabadhii ugu horraysay ee soo galooti Africaan Soomaali ah Muslim ah oo loo doorto Duqa magaalo ka mid ah magaalooyinka Maraykanka.

Exit mobile version