WAJAALE NEWS

DP World Oo Korodhisay Tacriifadda Alaabooyinka Dekedda Berbera kazoo Degaya Iyo wakhtiga Ay Dhaqan-galayso!

Berbera(W,N)- Toddobaadka dambe waxa la filayaa in ay dhaqan gasho korodhka tacriifadda cashuuraha Dekedda Berbera ee Koontiinarrada ee ay dhawaan kordhisay shirkadda Dekedda Berbera gacanya ku haysa ee DP-World taasi oo dhawaan sheegtay in ay kordhisay tacriifadda Koontiinarrada Dekedda Berbara taasi oo la filayo in ay sii kordhiso maciishadda marka horeba cirka maraysay ee ay shacabka Somaliland la daalaa dhacayeen.

Inkasta oo aan jawaab laga helin dhawaan ayay ahayd markii rugta ganacsiga Somaliland ay warqad cabasho ah u direen shirkadda DP-World ay kaga dalbanayaan in ay xaaladdaasi korodhka tacriifadda dib u eegto maadaama waddanku ku sugan yahay xaalad sicir barar ah iyo nolosha shacabka Somaliland oo u badan dad danyar ah in ay cidhiidhi sii galiso, ayaan illaa imika la ogayn waxa shirkaddasi iyo xukuumaddu isla qaateen.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladdani in ay sababi karto dhibaato weyn oo dhaqaale oo halis galisa shacabka Somaliland ee marka horaba la il darnaa sicir bararka iyo nolol xumada badan ee baahsan.

Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa qoraal uu shalay ku baahiyey baraha xidhiidhka Bulshada waxa uu ku sheegay in xaaladdaasi walaac weyn dhalinayso loona baahan yahay in gurmad degdeg ah laga galo isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waxaynu halkan ku wadaagnay 15-kii bishan in khidmaddaha dekeda Berbera ay DPWorld ka qaadayso adeegyada ay qabato ay kordhiysay. Korodhkaas oo bilaabmaya bisha 1aad ee sannadka 2022 ama 5 maalmood kadib. Koontaynaradda 20ft iyo 40ft ayaa ka hore ay ku kordheen $117, ka dambana $190. Korodhkan ayaa imanaya xilli maceeshadda iyo quutal daruurigu cirka isku shareeray iyadoo la filayo in talaabaddana ay uga sii darto ascaarta taas oo cidhiidhi gelin doonta nolosha dadka reer Somaliland. Waxaa sidoo kale soo waajahaya boqolaal kun oo caruur iyo haween ah gaajo iyo nafaqo darro. Xaaladda deganaanshaha dalka ayaa iyaduna halis geli karta. Dalladda Ganacsata iyo Warshaddaha Dalka (Chamber of Commerce) ayaa hre qoraal ugu diray Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska oo kaalin-gab noqotay. Illaa iyo haddana ogaalkay wax jawaab ah may helin Ganacsatadu iyadoo maalmo kooban ay ka hadhsan yihiin dhaqan-galka khidmadaha cusub ee ay DPWorld soo rogtay. Fadhiidnimada Xukuumadda talada haysa guud ahaan, gaar ahaan Wasiirka Ganacsiga & Dalxiiska looga bartay iyo  xaaladdan faro-ka-baxa ah waxaa la filan karaa January 2022, saddex arimood midkood:

  1. In dhegaha ay xukuumada sidaa uga furaysato, ganacsataduna aqbasho khidmadaha cusub iyagoo ku kordhinaysa maceeshadda qiimayaasha.
  2. In Ganacsataddu diido khidmadahan cusub, DP-Worldna ku adkaysato kadibna shaqadda dekeddu istaagto
  3. In waqtiga yar ee kooban ee hadhay ay Xukuumadda soo faro-galiso lagana gaadho is fahan nuxurkiisu yahay in waqti xaadirkan aanay suurtagal ahayn in khidmadaha adeegyaddan la kordhiyo”… ayuu yidhi Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre.
Exit mobile version