“Madaxwayne Dalka Fowdada Kadaa Hadii Kale Sidii Madaxwaynaha Puntland Deni Ayaa Kugu Dhici Doonta”Cali Canter.
“Madaxwaynaha Waxaanu Ku Leenahay Golayaasha Aad Faro Faraynaysid Kadaa Hadiise cabdirasaaq lagu Siiwado Juqa Juqayntaa Dhulbahante Ahaan Waanu Ka Tashan Doonaa Somaliland”siyaasi Cismaan Karaash
HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Canter Iyo Siyaasi Cismaan “kalash, oo kamid ah siyaasiyiinta kazoo jeeda gobolka sool ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan golaha wakiilada iyo faro galinta uu hayo madaxwayne biixi.
Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa sheegay in aanay marnaba aqbalay in madaxwaynuhu faro galin ku hayo shir gudoonka golaha wakiilada cabdirasaaq khaliif oo ay sheegeen ka beel ahaan in aanay udul qaadanaynin in kursiga kaliya ee ay Somaliland hayaan in uu noqdo mid madaxwaynuhu faro fareeyo iyagoo ugu baaqay in uu dalka qaska ka daayo.
“Waxaanu ku leenahay Cabdirisaaq waanu ku midaysan nahay, wixii isaga laga yeelo ayaanu yeelaynaa, halkii uu noo tujiyana waanu u tukanaynaa, ee Madaxweyne Reer ayaad tahay Cabdirisaaqna waa Reer ee Reeruhu ha kala xishoodaan.”
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;