WAJAALE NEWS

Somaliland Oo Dalka Faransiiska Kaga Qayb Gashay Shir Caalami Ah.

Paris(W,N)-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlaayey arrimaha Nabada oo ka dhacay magaaladda Paris ee caasimadda Faransiiska.

Shirkan oo sannadkiiba hal mar ka dhaca wadanka Faransiiska ayay sidoo kale kasoo qayb galeen wufuud gaadhaysa 2,400 oo qof, kuwaas oo ka kala socday dalal gaadhaaya 45 dal,waxa sidoo kale shirkaas kasoo qayb galay Hay’addo Caalami ah oo ay kamid yihiin Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Hay’addo kale oo caalami ah.

Waxa shirkan lagaga hadlay mudadii uu socday xaaladdaha wadamada Geeska Afrika ka taagan, gaar ahaana xaaladdaha wadamada Itoobiya iyo Sudan, waxa sidoo kale lagaga hadlay xaaladaha nabadgelyo ee ka taagan wadamada Galbeedka Afrika.

Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Paris ee caasimada Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan ayaa wufuudii kasoo qayb gashay shirkaas warbixino ka siiyey xaaladda Nabadgelyo ee Somaliland,Hannaanka Dimurqaadiga ah ee ka socda iyo sida ay uga qayb qaadan karto xasiloonida Geeska Afrika.

Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kaalinta dhaqaale,ganacsi iyo isu socod ee muhiimka ah ee ay Somaliland ku lee dahay gobolka Geeska Afrika,isaga oo wufuudii shirkaas kasoo qayb gashay u sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu horraantii sannadkan si cad u beyaamiyey in Somaliland dhex dhexaad ka noqonayso khilaafaadka dalalka Geeska Afrika,isaga oo cadeeyey in Somaliland ay ku baaqayso in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dalalka Geeska Afrika.

Shirkan lagaga hadlaayey nabadda ee ka dhacay Paris ayaa waxa hoggaaminaayey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,waxaana goob joog ka ahaa  madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris,Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamadu Buhari,Ra’isal wasaaraha Bangaladheesh Sheekh Xasiina,iyaga oo shirkaas  ka jeediyey khudbado ku saabsan la dagaalanka Sinnaan la’aanta, wax ka qabashada cimilada sii xumaanaysa,caafimaadka adduunka,xannuunka Corona Virus iyo Xuquuqda Aadamaha.

Exit mobile version