WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxa

Ujeeddo: Hambalyada Guddoomiyaha ee Ciidal Adxa

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ee daafaha dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka hijriga 1436.

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu munaasibadda Ciidal Adxa ee sannadkan kiisa kale innagu gaadhsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo amni buuxa.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka Ciid-Mubaarik, kullu Caam wa-antum bikhayr.   

Aamiin              Aamiin

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

 

Exit mobile version