HARGAYSA(W,N)-Maayar kuxigeenka caasimada hargaysa oo ay weheliyaan Xoghayaha dawlada hoose Xildhibaano katirsan golaha wakiilada,Maamulka degmada Ibraahim Koodbuur, gudida horumarinta Degmada iyo madaxdhaqameed ayaa kaqaybgalay munaasibad lagu dhagax dhigayay dhismaha xarun Casri ah oo ay yeelan doonta degmada ibraahim kood buur ee casimada hargaysa.
Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha xarunta degmada ibraahim koodbuur ayaa waxaa ka wada qayb qaadanaya dawlada hoose, maamulka degmada koodbuur iyo qaybaha kala duwan ee degmada ibraahim koodbuur oo iyaguna dhinacood soo ururiyay dhaqaalaha qaybtii ku soo hagaagtay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;