WAJAALE NEWS

Booliska Dalka Kenya Oo Lacag Ku Raadinaysa Sedex Maxbuus Oo Ka Baxsaday Jeelka!

NARIOBI(W,N)-Booliska Dalka Kenya ayaa baadigoobaya 3 Maxbuus oo ku eedaysnaa Argagixisnimo oo ka baxsaday xabsiga Kamiti Maximum – kaasi oo lagu tilmaamo xabsiga ugu adag dalkan Kenya.

Hay’adda dambi baadhista Kenya ayaa daabacday sawirrada saddexdan qof, waxayna ku yaboohday lacag dhan 550,000 oo doollarka Mareykanka ah, taasoo abaalmarin ahaan loo siin doono ciddii keenta xog sahlaysa in lasoo qabto.

Waxaa la sheegay in xalay 1-dii habeenimo ay baxsadeen.

Dadka baxsadka ah waxaa ka mid ah Maxamed Cali Abiikar oo lagu helay danbi ah in uu ku lug lahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii oo ay ku dhinteen 148 qof. Waxa uu xabsiga ku jiray Kuna xukunaa 41 sano.

Dadka kale ayaa kala ah Musharraf Abdalla, oo ay booliisku sheegeen in la xidhay sannadkii 2012-kii, kaddib markii uu fashilmay isku day la doonayay in lagu bar-tilmaameedsado xarumaha baarlamaanka Kenya, iyo Joseph Juma Odhiambo oo loo yaqaan Yuusuf oo laga soo qabtay xuduudda Soomaaliya ee Beled xaawo. Booliska ayaa sheegay inuu doonayay in uu ku biiro Al Shabaab.

 

Exit mobile version