WAJAALE NEWS

Dagaal Ka Dhacay Galgala Oo Khasaare Sababay

Hargaysa (W,N)-Ciidamo ka tirsan maamul Goboleedka Puntland, ayaa dhaawacyo ka soo gaadhay weerar ay kooxda al-Shabaab ku soo qaadeen fadhiisin ay ciidamada ku leeyihiin saldhigga Sugurre oo u dhow buuraha Galgala, Fiidkii Xalay

Saraakiil Puntland ka tirsan, ayaa VOA u sheegay in weerarka lagu soo qaaday askartooda ay iska caabbiyeen, islamarkaasina ay khasaare gaadhsiiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray.

Afar askari oo ciidamada Puntland ka tirsan, ayaa dhaawac ahaan loo qaaday xarrumaha caafimaadka ee Boosaaso.

Buuraha Galgala waxa ku sugan maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda maamul Gobleedka Puntland.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version