|
|||||
WAJAALE NEWS
Dagaal Ka Dhacay Galgala Oo Khasaare Sababay
February 2, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N)-Ciidamo ka tirsan maamul Goboleedka Puntland, ayaa dhaawacyo ka soo gaadhay weerar ay kooxda al-Shabaab ku soo qaadeen fadhiisin ay ciidamada ku leeyihiin saldhigga Sugurre oo u dhow buuraha Galgala, Fiidkii Xalay Saraakiil Puntland ka tirsan, ayaa VOA u sheegay in weerarka lagu soo qaaday askartooda ay iska caabbiyeen, islamarkaasina ay khasaare gaadhsiiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray. Afar askari oo ciidamada Puntland ka tirsan, ayaa dhaawac ahaan loo qaaday xarrumaha caafimaadka ee Boosaaso. Buuraha Galgala waxa ku sugan maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda maamul Gobleedka Puntland.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office Related posts:Waa Nasiib-Daro In Xisbiyada Mucaaridka Ah Loo Diido Qolka VIP-da Madaarka Hargeysa, Guddoomiyaha Ba... Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdirisaaq Jaa... Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweynaha U Soo Gudbiyey Warqadda Cayimaada Qabsoomida Doorashooyink... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|