WAJAALE NEWS

Hanti Dhowraha Guud Ee Somaaliya Oo Amar Culus Dul Dhigay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cismaan Dube.

MUQDISHO(W,N)-Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya, ayaa ku Eedeeyay wasiirka warfaafinta Somaaliya, inuu si cad ugu xad Gudbay nidaamka dowliga ah islamarkaana uu sifo sharci darro Ah ku Bixiyay qeybo kamid ah dhulka tiyaatarka qaranka.

War-saxaafadeed kasoo baxay hanti dhowrka Guud ee somaliya  Ayaa lagu faray wasiirka warfaafinta Inuu si degdeg ah usoo Saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo heshiiskii ay Wasaaraddiisu la gashay Shirkad gaar ah oo lagu wareejiyay Dhulka tiyaatarka.

Hanti dhowrka guud wuxuu u digniin u diray cid kasta oo Katirsan hay’addaha dowladda, oo isku dayda In ay heshiis Baalmarsan dastuurka iyo nidaamka dowliga ah ku maamusha Hantida qaranka.

HALKAN KA AKHRI WARSAXAFADEEDKAN HANTI DHAWRAHA GUUD;

Exit mobile version