Borama(Wajaalenews) Ciyaar xiiso leh oo dhexmaraysay gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal ayaa sida wararku nagu soo gaadhayaan xaqijiyeen waxaa khilaaf ka dhex bilaabmay garsoorka iyo xulka gobolka maroodi jeex oo sida la xusay lagu qabtay faawal kadibna morankii uu sobobay in dagaal dhexmaro taageerayaasha labada gobol iyadoo gabi ahaanba ay is taagtay ciyaartii
Dhanka kale ciidamada amaanka ayaa Iyagu adeegsanaya rasaas nool si ay ugu kala eryaan kooxaha dagaalku dhexmaro
wararka ayaa tibaaxay in rasaaska ciidamadu ridayaan haleeshay dadkamida daawadayaashii ciyaarta iyadoo lasheegay in ilaa laba qof ay ku dhacay
Garoonka ciyaaraha ee Xaaji Daahir ayaa waxaa wali ka socda rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada amaanku
wixii kasoo kordha kala soco wajaalenews