WAJAALE NEWS

DAAWO;-Odayaasha Iyo Waxgaradka Deegaanka Wajaale Oo Xukuumada Ka Dalbaday In Ay Kusoo Wareejiso Gacan Ku Haynta Mashruuca Banka Wajaale!

TOG WAJAALE(W,N)-Odayaasha ,Waxgaradka Iyo Dhalinyarada Beesha Yoonis Galbeed Ee Degta Degmada wajaale Iyo Deegaanada Ku Xeeran Ee Gobolka Gabiley ayaa ka hadlay Muran ka tagaan qaybo kamid mashruuca banka tog wajaale oo xukuumadu doonayso in ay cid gaar ah ku wareejiso.

Sidoo kale waxgaradkan Oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay marnaba aqbalayn in mashruuca banka wajaale qaybtiisa galbeed in cid gaara lasiiyo iyagoo xukuumada ka dalbaday in ay si deg deg ah ugu soo wareejiso maadaama Ay beelihii dhul beereedkan iska lahaa ay hada heshiish ku yihiin islamarkaana aanay jirin sobob xukuumada gacanta ugu sii hayso.

Dhanka kale odayaashan ayaa digniin culus udiray wasiiro xukuumada katirsan oo iyagu ku hawlan dhaxal wareejinta dhulkan Oo qaybo kamid ah ay  silic ugu xidheen cid aanay garayan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version