WAJAALE NEWS

Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Oo Wasiirka Arimaha Gudaha La Yeeshay kulan La Xidhiidha Xadhiga Sheikh Maxamed Ismaaciil!

Hargeysa(W,N)-Xidhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta kulan  Albaabadu u xidhan yihiin la qaatay wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed kaasi oo ay wax kaga waydiinayeen xadhiga sheikh maxamed ismaaciil oo maalintii labaad ku xidhan magaalada hargaysa.

Wararka laga helayo kulanka xildhibaanadu la yeesheen wasiirka Arimaha Gudaha oo ahaa mid albaabadu xidhan yihiin ayaa la sheegay in wasiirka uga waramay xadhiga sheikh iyo xaaladiisa caafimaad  iyadoo sida xoguhu tibaaxeen ay xildhibaanadu wasiirka ka codsadeen in sheekha dib loogu soo celiyo xoriyadiisa islamarkaana ay xukuumada bulshada la wadaagto sobobta keentay xadhiga sheikh maxamed ismaaciil oo isagu tirsanayay tacadi lagula kacay isagoo ku sugan magaalada ceerigaabo balse ay nasiib daro tahay in isagii la xidho cadaalada raadinayay.

Xildhibaanada ayaa kala ahaa ..

1;Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

2;Xildhibaan Maxamed Abiib

3;Xildhibaan Saleebaan dheer

4;Xildhibaan Xuseen .

5;Xildhibaan Qaasim Saleebaan.

6;Xildhibaan Nuur Guuleed.

Wixii warar ah ee kasoo kordha xadhiga sheikh maxamed ismaaciil oo lafilayo in xukuumadu deg deg usii dayso kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version