WAJAALE NEWS

Siyaasi Cali Guray Oo Ka Faalooday Dagaalka Udhexeeya Tigrayga Iyo Dawlada Itoobiya Oo Waji Kale Yeeshay Iyo Dagaaladii Udanbeeyay!

WAJIGII DAGAALKA TIGRAYGA OO AY WAX ISKA BEDELEEN

Xoogaggii Ciidanka TDF ee Tigrayga oo hadda jartu ku xun tahay markii labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay kala kulmeen dhinaca ciidanka dawladda iyo xulafadooda difaacyo adadag iyo weeraro rogaal celin ah oo dib loogaga qabsaday magaalooyin iyo dhul ay hore u qabsadeen.

Weeraradii TDF ay ku qabsadeen magaalooyin badan oo degaanka Amxaarada ah iyagoo ku sii siqayay goobo istrastaji ah oo dhinaca Amxaarada iyo Canfartaba ah ayay muuqataa in hadda wax iska bedeleen oo aan xaalku sidii hore ERYA ERYA ahayn. Xoogagga TDF waxay ku fashileen in ay gacanta ku dhigaan magaalada muhiimka ah ee Dbre Tabor iyadoo markaa ay u suurogeliwayday in ay gaadhaan Wereta oo 40Km galbeed ka xigta Dabre Tabor ahna goob istraataji ah oo ay ku kulmaan sadexda waddo ee isku xidha Bahar Dar oo ah Caasimadda Gobolka Amxaarada oo dhinaca koonfureed ka soo gasha iyo wadada Gondar oo dhinaca Waqooyi ka soo gasha iyo wadadii ay soo qaadeen ee Waldiya oo bariga ka soo gasha oo hadii ay ku guulaysan lahaayeen in ay qabsadaan xaaladda dagaalka wax ka bedeli lahayd.

Dhinaca koonfurta Wallo oo ay ku socdeen in ay qabsadaan Magaalada Dessei ee Caasimadda Wallo iyadana difaac adag bay kala kulmeen oo umay suurogelin in ay gacanta ku dhigaan. Xataa dhinaca degaanka Canfarta oo markii hore qorshahoodu ahaa in ay gaadhaan Mille si ay ula wareegaan gacan ku haynta Khadka Tareenka iyo waddada isku xidha Addis Ababa iyo Jabuuti oo 90% ay wax uga soo degaan Itoobiya iyadana way ku hungoobeen oo umay suurogelin in ay gacanta ku dhigaan.

Sidaa daraadeed waxa la odhan karaa Ciidanka TDF waxay hadda go’doon ku yihiin candho dhexe ee may qabsanin goobihii ugu muhiimsanaa ee istraatajiga ahaa dhinaca Amxaarada iyo dhinaca Canfarta midnaba.

Sidaa marka xaalku sidaa yahay maalmaha soo socda waxa laga yaabaa in Taliska Guud ee TDF uu wax ka bedeli doono istraatajiyadiisa dagaalka waayo hadii uu dagaalku sii dheeraado dan iyaga uma aha ee waxay dan u tahay Ciidanka Dawladda iyo xulafadiisa, hadii aanay jabhadda OLA qaadin weeraro wax ka bedeli kara xaaladda oo aanay soo cabudhin Addis Ababa lafteeda. Taasina ma muuqato.

Sidaa daraadeed in TDF ay dagaalka u bedesho dhinaca galbeedka waqooyi ee degaanka Amxaarada si ay u hesho waddo ay wax u soo maraan dhinaca xadka Suudaan ayaa suurogal ah. Taas oo marka ay kaga bixi karaan go’doonka hadii dagaalku sii dheeraado. Haddiise ay ku sii adkaystaan jihooyinkii hore iyadoo aanay jirin dhan xataa raashinku u soo maro waa hadii wax kale u qarsoon yahay bishan September ayaanay kala caddaan doontaa

 

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

Exit mobile version