WAJAALE NEWS

“Kalkii Iyo Kaalintii Talada Dalka Ethiopia Ee Soomaalida Oo Kaabiga Ina Soo Saarey”Mahamed Dhimbiil.

Dalka Ethiopia Waxa Ka Jira culeys weyn iyo cadaadis aduunku Ku hayo maamulka Abiy Ahmed Ali  oo Gaadhay heer laga Go’doomiyo dhaqaalihii badnaa ee aduunku galin jireen dalka Ethiopia si loogu cadaadiyo in uu xaalada Tigray u dabco.

Dhacdadani waxa ay u soo eeg tahay midkii uu ku yimid Abiy Ahmed ee markii kacdoono joogsan waayeen loo dhiibay Qooniyada Oromo oo uu ka soo jeedo si ay ugu degaan loona Badbaadiyo dalka Ethiopia .

Waxa ku socda dagaalo dadban oo dalka Ethiopia ku hurinaya Colaado isir iyo qoomiyado oo halis ku ah gobolka Geeska Africa Oo dhan kuwaasi oo laga werwer qabo hadii ay soo kordhaan in ay gaadhi karaan dawladaha jaararka sida Djibouti iyo Erateria Oo ugu horeyn doona.

Ethiopia waxa kale oo ku socda xaalado is barkan oo muran Xuduudeed siyaasadaysan iyo is haynta Biyaha xidheenka Ethiopia ee ay dhinaca ka yihiin Sudan iyo Masar oo halis ku ah amniga iyo xasiloonida Gobolka.

Maamulka uu hogaamiyo Abiy Ahmed waxa ka dhex muuqday bilowgiiba aargoosi siyaasada iyo in umada ka soo jeeda qoomiyada Tigray oo dhami u eedowdo gaboodfaladii maamulkii lagu mideysnaa ee EPRDF oo ay awooda ugu badan lagaayeen TPLF , waxaana ka dhashay colaada la qar dhaafiyey iyo dagaalka aduunka oo dhami dareemay ee gobolkaasi waqooyiga Ethiopia ka dhacay oo barakiciyey malaayiin , kumayaal kale ay ku dhinteen u burbureen magaalooyin iyo nolol umadeed oo dhisnayd.

Ilaa hadda marka aad eegto colaadaha amxaarada iyo Tigray oo aad u ba’ani waxa ay u muuqdaan qaar maamulka Abiy dhexdiisa lagu kala awood badan yahay oo aanay sinaba Tigray Ugu qancayn in ay la heshiiyaan Raisal wasaare Abiy inta uu eeg Yahay maamulkiisu miidaan iyo madal siyaasadeed oo Qoomiyaduhu ku kala aar-goosanayaan.

HADII XAALADAHA ETHIOPIA KA SOO RAYN WAAYAAN MAXAA XAL AH ;

Dr Abiy Ahmed waxa aan u arkayey qof niyadsami wax badan Ku bilaabay wanaagii uu rabay iyo qorshihii markii uu kaligii Ahaa uu watay uu sumcad weyn ku helay , walow uu qaatey Go’aan qadhaadh oo kumayaal Ethiopian ahi u dhibteen sidii ay Badhame u heli lahaayeen hadana waxa uu qaatey nabad waxaana uu ku badeshay;

1;In dhamaan colaadii Erateria ay u haysay Ethiopia oo nuglayd loo badelo walaalnimo iyo iskaashi.

2;In dhamaan mucaaridkii dawlada Ethiopia iyo jabhadihii fadhiyey Asmara la soo gabagabeeyo dhamaantood , waxaana ay ahaayeen ogaalkay ilaa 6 jabhadood oo hubeysan.

3;In uu qaatay qaraarkii qaramada midoobay ee dhulkaasi in ay Erateria leedahay lagu go’aamiyey oo uu taageero iyo soo dhaweyn aduunka oo dhan kala kulmay.

Waa kuwii waxwaliba si dhakhso ah isku badelay ee ay xataa noloshiisu halis gashay maadaama aan maamulka xukuumada Ethiopia iyo ciidamadu ku qanacsanayn go’aanada uu qaatay ee qalafsan , waxaa uu ka badbaaday ilaa 3 shirqool oo in la dilo loogu talogalay iyo inqilaabyo qorsheysnaa.

Cadhadii uu ka qaadey ayuu qaadey cadaawad kale iyo cuqdad Qoomiyado gaar ah , waxaa uu soo kala dhaweystay dadkii Ethiopia,  waxaana dhacday natiijada iyo xaaladaha Ethiopia hadda ka taagan oo aan wanaagsanayn.

Haddaba hadii ay ka soo rayn waayaan xaaladaha Ethiopia oo Xal la waayo Dr Abiy Ahmed Ali waxa u banaan ;

1;In uu u badheedho dagaal adag oo lagu kala adkaado oo uu dalka ku maamulo gacan bir ah , dhiig badanina ku daato.

2;In uu kursiga baneeyo oo loo dhiibo cid Ethiopia ku kala badbaado , lana soo dhiso maamul dawladnimo oo dadka Ethiopia ku soo celiya midnimadii , ” Soomaalidu waxa ay ka Mid tahay dadka dalka Ethiopia ku kala badbaadi karo Taladooda “.

3;In uu tanaasulo oo Tigray waxwaliba oo ay rabaan loo yeello Oo Ethiopia inteeda kalena ku qasbanaato caalamkuna sidaa ku Garba galeeyo.

QALINKII;Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

hormood@hotmail.com

Mob; +252634429221

Exit mobile version