WAJAALE NEWS

“Inanka Odhanaya Diinkale Ayaa Somaliland Lagu Faafiyaa, Isagaa Cadaynteeda Laga Rabaa, Dadka Odhanaya Maxaa Loo Xidhayn..Wasiir Toorno.

“Waayo Cida Diinta Nooga Lexejeclada Badani. Inan Yar Oo Diinta Cumaamad Lasoo Xidho Uhaysta Ka Yeeli Mayno”Wasiirka Waxbarashada jsl.

“Barigii Hore Somaliland Xaqdaradii Qori Ayaa Lagaga Xoreeyey Imikana Sharciga Ayaa Lagaga Xoraynayaa Dadka Beenta Ku Faafinaya Baraha Bulshada”Wasiirka Toorno.

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ayaa si Adag uga hadlay dadka Dhaleeceeya Goobaha waxbarashada oo maalmihii udanbeeyay siwayn loogu Eedaynayay dugsiga Abaarso iyo jaamacada Barwaaqo isagoo Dadka wararkaa baahinaya fariin adag udiray sheegayna in Talaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada ayaa ka hadlay qawaaniinta Wasaarada ee la xidhiidha goobaha waxbarasho iyo waxa uu Dhigayo sharciga uyaala waxbarashada Somaliland oo ay aas aas utahay diintu.

Dhanka kale wasiir toorno ayaa sheegay in dadka waxyaabaha ka baahiyay Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo looga baahan yahay in cadeeyaan waxa ay ka sheegeen sharcigana lala tiigsan doono.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version