WAJAALE NEWS

Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Maraykanku Oo Soo Fadhiisatay Garoonka Magaalada Berbera Iyo Xogaha laga Helayo!

BERBERA(W,N)-Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa la sheegay In ay soo fadhiisatay  Madaarka magaalada Berbera todobaadkan

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hawlgalka ay u timid diyaaraddan laakiin, Mareegta Wararka ee Somalilandchronicle oo arrintan wax ka qortay ayaa tebisay in ay u muuqato in Maraykanku kordhiyay danayntiisa Somaliland lagana yaabo in ay arrintani xidhiidh la leedahay xiisadda ka aloosan Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin xidhiidho Somalilanchronicle arrintan kala samaysay.

 

Exit mobile version