WAJAALE NEWS

Dawlada Itoobiya Oo Sameysaneysa Shirkad La Tartanta Facebook Iyo Twitter!

ADIS ABABA(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay horumariso barnaamijkeeda warbaahinta bulshada, si ay ula tartanto Facebook, Twitter, iyo WhatsApp, in kasta oo ayna qorsheyneynin inay hor-istaagto adeegyada dunida oo dhan laga isticmaalo, sida ay Isniintii sheegtay wakaaladda amniga isgaadhsiinta ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa tan iyo sannadkii hore waxaa harqiyay colaad hubaysan oo dawladda federaalka ah la gashay Jabhadda Xoreynta Tigrayga (TPLF), oo ka talisa gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaas.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa dagaal afka ah oo barbar socda colaadda hubeysan iskaga hortagay baraha bulshada.

Dawladda ayaa doonaysa in shabakadaheeda ku kooban gudaha uu “beddelo” Facebook, Twitter, Whatsapp iyo Zoom, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee Wakaaladda Amniga Shabakadda Warfaafinta (INSA ) Shumete Gizaw.

Shumete ayaa ku eedeeyay Facebook in ay tirtirayso qoraallada iyo baraha dadka isticmaala kuwaas oo uu sheegay “in ay faafinayaan xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan Itoobiya”.

Kooxaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay dowladda Itoobiya xidhnaansho aan la sharrixin oo lagu sameeyay adeegyada warbaahinta bulshada oo ay ku jiraan Facebook iyo WhatsApp sannadkii la soo dhaafay.

Dowladda Itoobiya kama hadlin xidhnaanshahaas.

Af-hayeenka Facebook ee Afrika, Kezia Anim-Addo, ayaa diiday inuu ka hadlo qorshayaasha Itoobiya, mana ka jawaabin su’aal ku saabsan eedeymaha Shumete. Twitter iyo Zoom ayaa iyaguna ka gaabsay ka hadalka arrinkan.

Itoobiya oo dadkeedu gaadhayo 115 milyan ayaa ilaa 6 milyan oo qof isticmaalaan Facebook sida ay sheegtay shirkadda macluumaadka Internetka ee Statista.

Laakiin bishii June, maalmo ka hor doorashooyinka qaranka, Facebook ayaa sheegtay inay ka saartay shabakad ciwaanno been abuur ah gudaha Itoobiya oo lagu bartilmaameedsaday dadka jooga gudaha waddanka, kuwaas oo ay la xidhiidhisay shaqsiyaad xidhiidh la leh INSA, oo mas’uul ka ah la socodka isgaadhsiinta iyo internetka.

SOURCE; Reuters.

Exit mobile version