Xildhibaan Axmed Maxamuud Fanax oo Kamid ah mudanayaasha kasoo baxay xisbiga WADDANI Gobolka Togdheer ayaa taageero u muujiyay musharrixiinta xisbi xaakimka Kulmiye isagoo kazoo goostay isbahaysiga xisbiyada mucaaridka.
Loolanka shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland aaa hada maraya meel xasaasiya oo udhexeeya isbahaysiga mucaaridka iyo xukuumada oo xoog iyo xoolaba iskugu gaysay sidii ay golaha shir gudoonkiisa ugu guulaysan lahayad iyadoo aynu Ognahay in lagaga badiyay doorashadii golaha wakiilada oo ay golaha ku leedahay 30xildhibaan balse ay hada isku keentay xildhibaano ay kazoo kaxaysteen xisbiyada wadani iyo ucid oo faratoon gudoomiye uyahay kuwaasi oo hada haysta xildhibaano badan oo ku dhow 39 mudane halka isbahaysiguna wali ay difacanayaan Aqlabiyadii golaha ee ay haysteen halka ay ilaa afar xildhibaan kazoo kaxaysteen xisbi xaakimka Kulmiye.
Sikasto oo ay tahay loolanka shir gudoonka golaha wakiilada ayaa la filayaa in dhinicii guulaystaaba uu ku guulays karo wax aan ka badnayn laba xildhibaan taasi oo dhanka kale laga cabsi qabo marka loo eego sida ay wax usocdaan iyo ficilada iy eedaha ay isku jeedinayaan labada dhinac in uu hirdanka mucaaridka iyo xukuumada ee xildhibaanada golaha uu sobobi karo in ay laba dhinacna kala doortaan laba shir gudoon kalana fadhiistaan laba goobood taasi oo saamayn iyo dhaawac ku noqonaysa hanaanka dimuqraadiyada Somaliland iyo waji fool xun oo ay ku danbaysay dorashadii quruxda badnayd ee dalka ka dhacday 31may.