WAJAALE NEWS

Magaca Maskaxdii Ka Dambeysay Dilka Madaxweynihii Haiti Oo La Shaaciyay

Haiti(W,N)-Taliyaha booliska Haiti ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise.

Sarkaal hore uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yidhahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xidhayo.

(FILES) In this file photo taken on October 22, 2019 President Jovenel Moise sits at the Presidential Palace during an interview with AFP in Port-au-Prince, October 22, 2019. – Haitian President Jovenel Moise was assassinated on July 7, 2021, at his home by a commando, interim Prime Minister Claude Joseph announced. Joseph said he was now in charge of the country. (Photo by Valerie Baeriswyl / AFP)

Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xidhaan madaxweyne ovenel Moise.

Hase yeeshee maalmo ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha.

Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaadhida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila.

Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti.

Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay.

Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse.

Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti.

Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia.

28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti.

Exit mobile version