GABILEY(Wajaalenews) -Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaaka aroortii hore gaadhay magaalada Gabiley,ayaa sheegay inuu noqonay qofka 1aad ee ansixinaya Gobolnimada Gabiley,haddii ay Xukuumadda KULMIYE soo hordhigto golaha wakiilada Somaliland, isagoo sheegay inuu la kaashan doono mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland,waxaanu sheegay in aanay Xukuumadda KULMIYE marnaba soo hordhigin golaha wakiilada mashruuca ansixinta gobolnimada Gabiley iyo gobolada kale ee cusub,waxaa uu haddalkaasi ka sheegay Guddoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro mar uu saaka fagaare ku yaala badhtamaha magaalada Gabiley kala haddleyey dad weynah ku dhaqan Gabiley.