WAJAALE NEWS

“Reer Sool Waxaan Leeyahay, Diyaar Baannu Unahay Inaynu Walaaltinimo Iyo Nabad Ku Xallinno, Khasaarena Intii Dhacday Inoogu Filan”Madaxwayne Biixi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kooban uga hadlay shaqaaqada ka aloosan deegaanno kamid ah gobolka Sool, waxana uu xusay inuu khilaafku yahay mid dhexyaalla gudaha bulshada reer Somaliland, isaga oo waxgaradka iyo indheergaradkana ugu baaqay in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhammeeyo arrinta taagan, waxana uu yidhi,“Khilaafka reer Sool iyo Somaliland waa mid Somaliland iyo Sool ka dhexeeya, dal kastana dadka joogaa wax bay kala tirsadaan, reer Sool-na waxan leeyahay diyaar baannu u nahay inaynu walaaltinimo iyo nabad ku xallinno, khasaarena intii dhacday inoogu filane inaynu nabad ku xallinaa baan idiinku baaqayaa, wixii waxgarad ah ee nabad doonaya, qofka aan nabad doonayn ee khasaaraha kusii socdana waxan u leenahay talo ciidan oo adag oo dadka badbaadisa.”

Exit mobile version