WAJAALE NEWS

Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Oo Digniin Culus Udiray Gaadiidka Iskaragooyinka Ee Dooxa Ciida Ka Gurta!

Hargeysa (W,N)-Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Caasimadda Hargeysa ee u dhaw dooxa, kuwaas oo  cabasho ka muujiyey dirawallada wada gaadiidka Iskaragooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey arintan ayaa tilmaamay inay hore u xidheen dad watay iskarogooyin, haddana ay arintan wax ka qabanayaan, waxaanu yidhi “Cabashadan wax baanu Dawlad ahaan ka qaban doonaa, horena waxaanu xidhnay Iskaroogooyin ciid ka gurayey Dooxa, marar badana waanu u dignay, haddana waanu u digaynaa, oo waxaanu leenahay raalli kama nihin in ciid laga qaado meelaha dooxa ee aanu uga digaynay iskaroogooyinka iyo cid kastaba, waxaynu u baahan nahay inaynu dadkeena badbaadino, balse uma baahnin in dadka daadka loo baneeya, cid dambe aanu ku qabanana sharciga ayaanu la tiigsanaynaa”.

 

Exit mobile version