WAJAALE NEWS

Agaasimaha Warfaafinta Oo Dhaqamadii Macalinkiisii Siyaasada Maxamuud Xaashi La Dhex-yimid Warbaahinta Qaranka Iyo Ta Madaxa-banaan!!

Hargeysa(W,N)-Agaasimaha Il-duufka ku helay xilka Agaasimenimada Wasaarada Warfaafinta JSL, Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo macalinkiisii Siyaasaddu ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada ilaa Duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo lala xidhiidhiyo eeddo Musuq-maasuq oo baahsan, ayaa hadda u xuubsiibtay u kala abtirinta qaybaha Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan waaxyaha Wasaarada warfaafinta, isagoo bilaabay dhaqano gurucan oo hore u galaaftay Masuuliyiin soo maray wasaaradda, kuwasoo ilaayo hadda la’la yahay meel ay jaan iyo cidhib-siyaasadeed dhiggeen.

Agaasimaha Kubku siigaalaha ah, ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Yuusuf taarikhdiisa weligii muu arag, meel lagu hadal hayo aqoon warbaahineed, inuu arko meel lagaga shaqaynaayo daayo. Waxa uu ku ambaday xilka loo dhiibay, isagoo ka doorbiday gudashada waajibaadkiisa shaqo, xulufaysi iyo xaalad abuur Wasaarada dhexdeeda ah.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafintu waxa Afka u dhigtay dhaqaale-kala duwan oo Warbaahinta kala duwan lagu maamusi jiray Munaasibada qaran ee kala duwan, kuwasoo ay kamid ahaayeen Munaasibadaha 2626-juun iyo 18-ka May, isagoo leexsaday dhaqaale shaqul-shaah ahaa oo loogu talo galay qaybaha Warbaahinta Somaliland ku faro-xashaan.

Xoggaha laga helay Warbaahinta dawladdu maamusho, ayaa sheegayaa inuu Agaasime Maxamed Yuusuf, xata uu Afka u dhigtay dhaqaale yar oo loogu talo galay hawlwadeenada shaqada ee Telefishanka Qaranka Somaliland.

La soco qaybaha dambe.

Xigasho; Xogreebnews

 

Exit mobile version