WAJAALE NEWS

Maraykanka Oo Qirtay In Gudaha Somaliya Ay Ciidamadiisu Dad Shacab Ah Ku Laayeen

MUQDISHO(W,N)-Qoraal ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Maraykanka mas’uul ka ahaayeen dilka 23 qof oo rayid ah oo sanadkii hore lagu dilay Hawlgallo ka kala dhacay dalalka Somalia, Iraq, Yemen iyo Nigeria.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in 10 qof oo rayid ah ku dhaawacmeen Hawlgalkii ay Ciiddanka Maraykanka ka fuliyeen dalalkaasi.

Warbixinta waxaa si khaas ah loogu sheegay in Hawlgalladii ay Milliteriga Maraykanka ka fuliyeen Somalia bishii Feberaayo ee sanadkii hore lagu dilay hal qof oo rayid oo keliya.

Balse, Goobjoogayaal iyo Hay’adda aan Dowliga ahayn ee The AIRWARS ee diiwaan gelisa Liiska Dhibanayaasha wax ku noqda Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka waxay tirada dadka rayidka ee sanadkii hore lagu dilay Somalia ku sheegeen 7 qof.

Hay’adda The Airwars, waxay sheegtay in Tirada guud ee dadka rayidka ee ay Milliteriga Maraykanka sanadkii hore ku dileen dalalka Caalamka ay gaarayaan 102 qof oo Rayid ah.

Dhinaca kale, Dukumentiga ka soo baxday Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxaa lagu sheegay inkastoo ay Kongareeska u gudbiyeen codsi lagu ansixinayo 3 million oo Dollar oo Magdhow ahaan loo siin lahaa Qoysaska Dhibnayaasha Rayidka sanadkii hore inaan weli la bixinin.

Exit mobile version