WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Dhaariyay C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil, Oo Kamid Noqon Doono Golaha Guurtida Jsl.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamuuriyadda Somaliland, garyaqaan   Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/06/2021, dhaariyey mudane C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya  mudanayaasha golaha Guurtida JSL.

Xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil ayaa buuxiyay jago ka bannaanaatay golaha Guurtida, taasi oo uu baneeyay marxuum Axmed Xaashi Cabdi Shiil, kadib codsi lagu dhaarinayo mudanahaasi oo golaha Guurtidu Maxkamadda Sare u soo gudbiyay.

Dhaarinta kadib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu xildhibaanka kula dardaarmay  in uu bulshada ugu adeego si daacad ah oo hufan , waxaanu ALLE  uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

 

Exit mobile version