|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Dhaariyay C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil, Oo Kamid Noqon Doono Golaha Guurtida Jsl.
June 10, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/06/2021, dhaariyey mudane C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL. Xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil ayaa buuxiyay jago ka bannaanaatay golaha Guurtida, taasi oo uu baneeyay marxuum Axmed Xaashi Cabdi Shiil, kadib codsi lagu dhaarinayo mudanahaasi oo golaha Guurtidu Maxkamadda Sare u soo gudbiyay. Dhaarinta kadib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu xildhibaanka kula dardaarmay in uu bulshada ugu adeego si daacad ah oo hufan , waxaanu ALLE uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
Related posts:Bandhiga Buuga Hiil Bare Oo Caawa Lagu Qabtay Magaalada Gabiley Iyo Masuuliyiin Tiro Badan Oo Kasoo ... DAAWO; Madaxweyne Siilaanyo Oo Galabta Kormeer Ku Tegay Dekeda Berbera Iyo Xarunta Sheybaadhka Shida... Daawo:Golaha Wasiirada Somaliland OO Shir Deg-Dega Iskugu Yimid Iyo Shacabka Oo U Dhag Taagaya Tala... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|