WAJAALE NEWS

DAAWO;-Waxgaradka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Hirdanka Loogu Jiro Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Iyo Fariinta Ay Udireen Madaxwayne Biixi.

LAASCANOOD(W,N)-Odayaasha, waxgaradka Iyo dhalinyarada  gobolka sool oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay loolanka ay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada ugu jiraan hanashada shir gudonka golaha wakiilada oo ay ukala tartamayaan xildhibaancabdirasaaq khaliif iyo xildhibaan yaasiin xiir faratoon isagoo sheegay in ay ka deegaan ahaan taageersan yihiin cabdirasaaq khaliif oo ay xisbiyada mucaaridku usoo xuleen gudoomiyaha golaha wakiilada

Sidoo kale waxgaradkan ayaa xukuumada madaxwayne biixi ugu baaqay in ay tixgaliso aqlabiyada xildhibaanada golaha oo la safan Cabdirasaaq khaliif Axmed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version