WAJAALE NEWS

Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Dareen Celiyay Guuldarada Kasoo Gaadhay Tartankii Golaha Wakiilada Gobolka Sanaag.

Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Maxamud warsame jaamac oo ka mid ah musharixiintii utartamay golaha wakiilada gobolka sanag ayaa Dareen Celiyay Guuldarada Kasoo Gaadhay Tartankii Golaha Wakiilada Gobolka Sanaag.

Hanayn iyo hambalyo

Ugu horayn illaahay baa mahad  leh

Waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa saaxiibadayda ku guulaystay golayaasha wakiilada iyo deegaanka tartanku waa guul iyo guuldaro wada socda

Waxaan hanbalyaaynayaa shacabka somaliland oo u dareeraray doorasho xor iyo xalaal ah

Waxaan u bogaadinayaa komishanka doorashooyinka qaranka oo gutay shaqo hufan oo cadaalad ah waxaan amaanayaa ciidamada qaranka oo sugay amniga

Waxaan si weyn u hambalyaaynayaa madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo xukuumadiisa oo hirgeliyay doorasho ku cusub dalkeeena iyo dalal badan oo dunida ah waxay ahayd laba doorasho oo isku sidkan iyadoo maaliyadeeda iyo fulinteedaba dawladu doormuuqda ka ciyaartay

Anigu horaan tartan doorasho u galay oo waa ku guulaystay dadkaaygaa i doortay maantana meel fiican bay isoo gaadhsiiyeen oo waa ii guul si weyn baan ugu mahadnaqayaa taageerayaashii hiilka iyo hooda ila hareer joogay habeen iyo maalina naftooda ii huray

Waxaan leeyahay weynu guulaysanay e garwaaqsada

Waan ku qanacsan ahay wana qaatay natiijada KDQ ee gobolka sanaag ee aan helay oo ah 2999 waxaanan ku waayay 24 cod oo keliya  taasina waxaay muujinay dadaalkii taageerayaasha iyo dadkii codeeyay inay ii hagar baxeen

Dadkaa geesi lagu yahay inshllaa guulo kale weynu gaadhi doonaa doorashona weynu da’a yar nahay

Maxamuud Warsame Jaamac.

Exit mobile version