|
|||||
WAJAALE NEWS
Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Dareen Celiyay Guuldarada Kasoo Gaadhay Tartankii Golaha Wakiilada Gobolka Sanaag.
June 4, 2021 - Written by Editor:Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Maxamud warsame jaamac oo ka mid ah musharixiintii utartamay golaha wakiilada gobolka sanag ayaa Dareen Celiyay Guuldarada Kasoo Gaadhay Tartankii Golaha Wakiilada Gobolka Sanaag. Hanayn iyo hambalyo Ugu horayn illaahay baa mahad leh Waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa saaxiibadayda ku guulaystay golayaasha wakiilada iyo deegaanka tartanku waa guul iyo guuldaro wada socda Waxaan hanbalyaaynayaa shacabka somaliland oo u dareeraray doorasho xor iyo xalaal ah Waxaan u bogaadinayaa komishanka doorashooyinka qaranka oo gutay shaqo hufan oo cadaalad ah waxaan amaanayaa ciidamada qaranka oo sugay amniga Waxaan si weyn u hambalyaaynayaa madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo xukuumadiisa oo hirgeliyay doorasho ku cusub dalkeeena iyo dalal badan oo dunida ah waxay ahayd laba doorasho oo isku sidkan iyadoo maaliyadeeda iyo fulinteedaba dawladu doormuuqda ka ciyaartay Anigu horaan tartan doorasho u galay oo waa ku guulaystay dadkaaygaa i doortay maantana meel fiican bay isoo gaadhsiiyeen oo waa ii guul si weyn baan ugu mahadnaqayaa taageerayaashii hiilka iyo hooda ila hareer joogay habeen iyo maalina naftooda ii huray Waxaan leeyahay weynu guulaysanay e garwaaqsada Waan ku qanacsan ahay wana qaatay natiijada KDQ ee gobolka sanaag ee aan helay oo ah 2999 waxaanan ku waayay 24 cod oo keliya taasina waxaay muujinay dadaalkii taageerayaasha iyo dadkii codeeyay inay ii hagar baxeen Dadkaa geesi lagu yahay inshllaa guulo kale weynu gaadhi doonaa doorashona weynu da’a yar nahay Maxamuud Warsame Jaamac. Related posts:Xildhibaan Muhtaar Maydhane Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay In Daahir Riyaale Xukuumadu Falkaasi Ku... Madaxweynaha Jsl Oo Cusbitaalka Hargeysa Neurology Ku Booqday Ciise Xaaji Shaacuur (Ciise Degele) Oo... Wasiirka Caafimaadka Jsl Oo Hortagay Golaha Wakiilada Iyo Su,aalo Laga Waydiiyay Musuq Maasuq Ka Jir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|