WAJAALE NEWS

War-Saxaafadeed; Kasoo Baxay Kor-Joogayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashooyinka Golayaasha Wakiillada Iyo Deegaanka Ee Somaliland!

HARGAYSA(W,N)-Koox ka Tirsan Kor-joogayaasha Caalamiga ah Oo Kormeeri Doona Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland Ayaa soo gaadhay dalka kuwaasi oo kulan la yeeshay gudida doorashooyinka

Doorashooyinka in badan dib u dhacay ee Golaha Wakiillada iyo doorashada saddexaad ee Golaha Deegaanka Somaliland ayaa qabsoomi doona 31-May,2021, waxaana Hargeysa soo gaadhay 12 kor-joogayaasha Caalami ah.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa ay martiqaadeen Kor-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka oo uu maalgeliyay Xafiiska Horumarinta iyo Barwaaqo Sooranka ee Dalka Ingiriisku. Kor-joogayaasha waxa soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL ee Magaalada London. Kor-joogayaasha Caalamiga ahi waxa ay kormeeri doonaan doorashooyinka si waafaqsan Heshiiska Mabaadii’da Caalamiga ah ee Kor-joogayaasha Caalamiga ah, kuwaas oo awoodda saaraya dhexdhexaadnimada kor-joogennimada.

Kormeerku waxa uu noqon doonaa saddex qaybood. Qaybta koobaad, toddobaadyada ka horreeya inta la gaadhayo maalinta codbixinta, waxa ay kor-joogayaashu qiimayn doonaan, arrimaha Sharciga, ololaha iyo u diyaar-garawga doorashooyinka, taas oo ay samayn doonaan khubaro caalami ah oo aan dalka joogin oo ay caawinayaan khubaro dalka gudihiisa ku sugan oo la shaqaynaya. Qaybta labaad waa maamulka kor-joogayaasha iyo kor-joogayaal muddo kooban joogi doona dalka kana kala imanaya dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Afrika, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya,  kuwaas oo kormeeri doona ololaha iyo u diyaargarawga doorashada toddobaadka ka horreeya doorashada. Waxa ay kormeeri doonaan cod bixinta, tirinta codadka iyo isu geynta tirada codadka ee meelo badan oo ka mid ah Somaliland intii suuragal ah. Doorashada ka dib waxa ay kormeerayaashu  la sii socon doonaan xaaladda iyaga oo ay la shaqaynayaan wakiillo maxali ah iyo daneeyayaasha arrimaha Somaliland. Kor-joogayaasha caalamiga ahi waxay ay soo saari doonan war-bixin iyo talooyin la xidhiidha doorashooyinka, muddo aan ka badnayn afar bilood doorashada ka dib.

Tani waa doorashii shanaad ee ay ka qaybgelayaan Kor-joogayaal Caalami ah oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL laga soo bilaabo sannadkii 2005. Waajibaadka Kor-joogayaasha Caalamiga ah waxa ka mid ah qiimaynta Xeerka guud ee Doorashooyinka Somaliland iyo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha iyo sida loo dhaqan geliyay. Doorashooyinku waa astaan muhiim ah oo muujinaysa dimuqraadiyadda Somaliland; dhowr goor oo dib u dhac ku yimid labada doorasho, tani waa markii ugu horraysay ee la isku sidko doorashada wakiillada iyo dawladaha hoose.

Professor Michael Walls oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL, ahna madaxa Kor-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi isaga oo daba socda kulan wada shaqayneed oo ay maanta la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka:

“Doorasho kastaa waa muhiim, doorashooyinka imika dhacayaa iyada oo ah markii labaad ee ay Somaliland qabato doorashooyinka golaha wakiillada, waxa ay noqon doonaan Gole Wakiillo oo ku soo baxay codka dadwaynaha. Isku darista labada doorasho ee deegaanka iyo golaha wakiilladu waxa ay sii kordhinaysaa muhiimadda codka ee bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo”

 

Dhamaad

Exit mobile version