WAJAALE NEWS

Gurmad Qaran Bay U Baahan Tahay Saxaafadii Xorta Ahayd Ee Somaliland

Baabiinta Saxaafada Xorta Ee Somaliland Uu  Maamulka Siilaanyo Ku Hayo Waxay U Baahan tahay Gurmad Qaran

Saxaafada madaxa banaan ee JSL waxay u baahan tahay Gurmed Debeda iyo Gudahaba ay ka hesho kacaan Beeleedka Axmed Siilaanyo waxay ku guuleysteen bur-burinta iyo Magac ka dilka Saxaafada Madaxa banaan ee ka hawl gasha Somali land waxa loo sameeyey Gudi gaar u ah Saxaafada isla markaana waxa Guddida la siiyey awood Dhaqaale iyo awood Ciidan oo ay ku heli karaan Markay u baahdaan si ay uga hawl galaan Xili kasta oo ay arkaan wax ku lidi ah Kacaan Beeleedka Axmed Siilaanyo. Tusaale ahaan Subixii markay Wargeysyadu soo baxaan Wargeys walba dhawr xabo ayey iibsadaan waxaanay ka eegaan wax lid ku ah kacaan beeleedka Axmed Siilaanyo xataa qoraal yar oo dadka u iftiimin kara qaladaadka jira mararka qaarkood waxaabay sameeyaan haday arkaan Wargeys qorey waxay xoog u diidaan waxay iibsadaan inta xabo ee Wargeys-kaasi soo saaray kolba intey helaan isla Saacado gudahoodna waxay toos ugu tagaan Masuuliyiinta Wargeyska waxaanay u sheegaan inay laba kala doortaan in bil walba la siiyo lacag u dhiganta inta Wargeys ee ay soo saaraan iyo in laga xidho Wargeyska sida imika muuqata Wergeys-yadii Madaxa banaanaa qaar way xidhan yihiin dhawr Wargeysna dirqi ayey ku socdaan oo Habeen iyo Maalin waxaa lagu hayaa Cabudhin iyo

Caga-jugleyn joogta ah intii kalena waxba ma sheegaan oo Lacagtooda ay iska qaataan waxaa iyagana sidaas oo kale loo daba galay TV-yada imikana waxa la bilaabay oo fara kulul lagu hayaa Warbaahinta loo yaqaan WEBSITE-yada Maalin dhaweyd ayaa loo yeedhey si loo arko Wejiyada Dhalinyarada xaqiiqada ka hadla ama iftiimiya xaalada Dalku marayo hadaba hawl galadan waa dareemi kartaan waxa keenay waa si aanay Warbaahintu ugu gudbin Shacbiga dhibaatooyinka Dalka ka jira sida Boobka Hantida Qaranka ku Tumashada Xuquuda Shacbiga khiyaamooyinka iyo

Xagal daaca hoos loogu wado Qaranimada JSL waxaas iyo wax yaalo kasii daran ayaa gaadh laga hayaa oo laga ilaalinayaa inaanuu Shacbigu ogaan isla markaana Shacbigu ku xidhnaado sida TV-ga Qaranka Wargeysyada DAWAN,SAHAN Iyo SOMALILAND TODAY . Hadaba Gudida loo xil saaray waxaa ka mid ah Baashe Cawil oo loo yaqaan MOORGAN-yare Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Xasan Xiis liqe oo sida la sheegey ah Khabiir dhanka Saxaafada ku Xeel=dheer.

 

Qalinkii Cali Cismaan Libaax (Mujaahid Cali Xaraaro)

Exit mobile version