WAJAALE NEWS

Kormeerayaasha Caalamiga ah Ee Doorashooyinka Somaliland Dalka Uyimid Oo la Geeyay Goobaha Cod Bixinta

Warsaxafadeed;

Ka hor doorashooyinka Somaliland ee maalinta 31ka bisha May 2021, koox ka kooban 12 qof oo ka mid ah Kormeerayaasha Caalamiga ah ayaa soo gunaanadaya qiimaynta maalmihii ololaha isla markaana u diyaar garoobaya maalinta cod bixinta.

Kormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka ayaa dalka ku yimid casuumad ay ka heleen Guddida Doorashooyinka Qaranka iyaga soo si madax bannaan u kormeeri doona hannaanka doorashada Somaliland. Kormeerayaashan waxa maal-geliyay Dawladda Ingiriiska, laakiin shaqo ahaan waa qaar ka madax bannaan isla markaana caalami ah. Kormeerayaasha waxa isku soo dubba riday Waaxda Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL. Kormeerayaashu waxa ay raacaan Heshiiska Caalamiga ah ee Kormeerka Doorashooyinka, kaas oo qeexaya in ay kormeerkooda u sameeyaan si dhexdhexaadnimo ah oo aan cidna u xaglinaynin.

Doorashooyinkani waxa ay u taagan yihiin dimuqraadiyadda ka hir gashay Somaliland: dib u dhacyo ku yimid doorashooyinka ka dib, waa markii ugu horraysay ee doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose la isku daray. Kormeerayaal caalami ah oo muddo kooban joogi doona isla markaana ka kala yimid dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, Niyuusiilaan, Koonfur Afrika, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya ayaa kormeerayay ololaha iyo u diyaar garowga doorashada toddobaadkii ka horreeyay doorashada. Waxa ay sidoo kele kormeeri doonaan codaynta, tirinta iyo isu geynta codadka ee goobo kala duwan oo Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Hargeysa, Berbera, Burco iyo Borama.

Kormeerayaasha Caalamiga ahi waxa ay sii wadi doonaan in ay kormeeraan hannaanka doorashadaoo ay ku jirto isu geynta codadka iyo shaacinta natiijada, iyo sidoo kele hannaanka maaraynta khilaafaadka haddiiba ay yimaaddaan. Kormeerayaashu waxa ay soo saari doonaan warbixin iyo talooyin ku wajahan doorashooyinka kele ee soo socda taas oo soo bixi doonta afar bilood ka dib doorashada.

Warbixinta ugu dambaysa ee Kormeerayaashu waxa ay is dul taagi doontaa doorka falanqaynta ballaadhanee kormeerayaasha ee ka durugsan kormeerka maalinta cod bixinta. Tusaale ahaan, waajibaadka Kormeerayaasha waxa ka mid ah in uu qiimeeyo Xeerka guud ee cusub ee Somaliland eeDoorashooyinka iyo Diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo sida loo hirgeliyay. Qaybaha kele ee lagaga hadli doono waxa ka mid ah Qaab-dhismeedka Warbaahinta, Sida looga qayb geliyo Haweenka, Dadka laga tirada badan yahay, iyo dadka laxaadka la’ iyo sidoo kele doorka ay ururrada bulshadu ka qaateen.

Professor Michael Walls, Madaxa Korjoogayaasha Caalamiga ahi waxa uu yidhi:

“Iyada oo ay tahay doorashadii ugu horraysay ee la isku daro golaha wakiillada iyo dawladaha hoose, fursaddan ah in lagu doorto wakiillada oo ah mid soo daahday ka dib markii ay dhamaatay muddooyinkii loogu talagalay waa mid muhiim u ah bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, waxa aanu goob-joogayaal ku leenahay goobaha muhiimka ah ee Somaliland, annaga oo kormeerayna ololaha doorashada, dhawaana kormeeri doonna codaynta, tirinta iyo isu gaynta natiijada. Annaga oo ah qaar madax bannaan, isla markaana ay maal-gelisay Dawladda Ingiriisku, kana kooban kormeerayaal iyo qiimeeyayaal ka kala socda afar qaaradood, waxa aanu sii wadi doonnaa in aanu u shaqayno si ka madax bannaan ururrada kele, waxaannuna eegidoonnaa shuruucda, xeerarka doorashooyinka iyo sida loo hirgeliyo. Waxa aanu xiisaynaynaa hannaanka ee ma eegayno natiijada doorashada oo ah go’aan ay leeyihiin dadka codaynayaa”. Xidhiidhka Saxaafadda:

rooble.mohamed@somalilandelectionobservation2021.org (Somaliland) +252 633 658 649conrad.heine@somalilandele

Exit mobile version