WAJAALE NEWS

DAAWO;-Kumaan Kamid Ah Haweenka Caasimada Hargaysa Oo Taageero Umuujiyay Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh.

Madal Habeenkii Xalay Ay Iskugu Yimaadeen kumaankamid Ah Taageerayaasha Haweenka Hargaysa Ee Musharax Bookh iyo Weedhihii Ay Yidhaahdeen Madaxda Xisbigu!

HARGAYSA(W,N)-Kumanaan kamid ah haweenka kudhaqan Caasimada Hargaysa ayaa Habeenkii xalay ahayd huteelka Maansoor ku qabtay munaasibad si heer sare ah loosoo Agaasimay Oo ay ku taageerayaan musharax maxamed Cabdilaahi bookh uu usharaxan golaha wakiilada gobolka Maroodi jeex Kana Sharaxan xisbiga wadani.

Sidoo kale waxaa munaasibadan kazoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sraysa xisbiga wadani oo iyagu ka marag kacay cududa taageerada musharax bookh oo uu horkacayo siyaasiga rugcadaaga ah ee Muj Abiib diiriye Nuur “Abiib timacad”

Munaasibadan oo hoolka ay buux dhaafiyeen kumanaan kamid ah haweenka taageersan musharax bookh ee xaadaha magaalada hargaysa ayaa wacad ku maray in ay ku hubsan doonaan codka islamarkaana ay gaadhsiin doonaan kursiga uu usharaxan yahay ee golaha wakiilada.

Dhanka kale siyaasiyiinta ismaaciil yare, muj xamarji  iyo gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga wadnai  cabdiqaadir jirde oo madashan ka hadlay ayaa haweenka iyo beesha uu kazoo jeedo musharax bookh uga markhaati kacay taageerada ay uhayaan iyagoo ugu baaqay in ay codka ku hubsadaan maalinta 31may.

Ugu danbayn  musharax cabdilaahi bookh oo haweenka iyo taageerayaashiisa uga mahad celiyay sida qiimaha leh ee ay ugu muujiyeen taageerada oo aanay ka daalin habeen iyo dharaarba ilaa codbixinta ay ka dhacayso,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version