WAJAALE NEWS

Sacuudiga Oo Sheegay In La Xidhi Doono Dugsiyada Turkiga Ku Leeyahay Dalkooda.

Riyadh(W,N)-Ilo Diplomaasi ayaa waxa ay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xidho Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaadho dabayaaqada sannadkan 2021-ka.

Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xidhiidh la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada loo laabo dhammaadka sannadkan.

Wasaaradda Tacliinta Scuudiga waxa ay qoraalka go’aankaasi si toos ah ugu gudbiyeen Dugsiyada ku yaalla Goblladda W/Galbeed Tabuuk, Riyadh, Taa’if iyo Jeddah.

Saraakiil Sacuudiyaan ayaa waxay kaloo booqdeen Dugsiyada Turkishka ee ku yaalla Goballadda Dammaam iyo Abha, si ay Maamulayaasha Dugsiyadaasi ugu wargeliyaan Go’aankaasi.

Dugsiyada Turkishka ee ka furan Goballadda Maka iyo Madiina ayaa waxaa iyagana saamayn doona Go’aankaasi.

Wasaaradda Tacliinta Sacuudiga waxay kaloo sheegtay in Dugsiyada Turkishka la xidhi doono marka uu dhammaado sannad-dugsiyadeedka haatan socda.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in 2,256 Arday oo dhigta Dugsiyadaasi oo aan si fiican u aqoonin Luqadda Carabiga ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmi doonaan haddii ay Tacliintooda ku sii wataan Manhajka la xidhiidha Wasaaradda Tacliinta ee Sacuudiga.

Exit mobile version