WAJAALE NEWS

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Oo Daaha Ka Feyday Khilaaf Ka Dhex Jira Isaga & Wasiirka Iyo Fashilaada Isuduwaha Gabiley ka Dhalatay!

Gabiley(WJN) Kadib Markii uu Dhawaan Mudo hada Wakhti Badan laga joogo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka usoo Magacaabay Gobolka Gabiley, Isuduwe Badeli lahaa isuduwihii hore ee hayay, Xilka Wasaaradaasi, Waxaa suurtagali Weyday in uu Isuduwaha Wasiirku Soo magacaabay, Habayaraatee, La Wareegi Waayay Xilkii sidii Waajibaadka iyo Sunaha Dawladnimo ahaa taas, oo fajac iyo Amakaag ku Noqotay Guud ahaanba Shacbiga Gobolka Gabiley.

Haddaba Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Hurumarinta Somaliland Dr Xergeeye, oo Maalintii kasoo Qeybgaley, Munaasibad lagu Daahfurayay Mashaatiic Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley, ka hirgaliyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley, ayaa Sheegay Kadib Markii Wax laga Weydiiyay Sababta hakadka galisay Isuduwihii Wasiirku usoo Magacaabay Gobolka dhinaca Wasaaradda Caafimaadka in uu Isagu Maqnaa Markii uu Wasiirku Soo magacaabay Isuduwahaasi islamarkaana, ay taasi Sabab u tahay Arimaha uu Xilka ula Wareegi Waayay, Sidoo kalena, ay Arintu u Taalo isaga iyo wasiirka.

Marka Si dhamays tiran Loo Dhuuxo hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadku kaga jawaabay, Su,aasha ku Sahabsan Sababta uu Xilka ula Wareegi Waayay, Isuduwaha loo Soo magacaabay Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gabiley, gabi ahaanba Waxa uu kusoo ururiyay jawaabteeda in uu isagu Safar ku Maqnaa Markii Wasiirku Magacaabayay isuduwaha Sidaa darteedna aanu isagu Raali ka ahayn, una horjoogsadey in Wasiirku u gacan banaanaado Magacaabista Isuduwaha Gabiley ee Wasaaradda Caafimaadka arintan oo Guud ahaanba loo Fahmey in Ka Wasaarad ahaan uu jirro, Khilaaf u Dhexeeya Wasiirka Caafimaadka iyo Agaadimaha Guud ee Wasaaradda.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

Exit mobile version