WAJAALE NEWS

“Tirada Murashixiinta Guulaysanaysa Waynu Garanaynaa, Waxa Kaliya Oo Innaga Qarsoon Magacyadooda Iyo Wajiyadooda”Madaxwayne Biixi.

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo khudbad sanadeedkii uu maanta ka horjeediyay Golaha Baarlamaanka waxa uu kaga hadlay doorashooyinka isku sidkan Ee dhawaan lagu wado in ay dalka qabsoomaan ayaa sheegay in Tirade musharxiinta sharaxan oo ay yihiin 993qof islamarkaana ay soo baxayaan 2ba meelood oo ah hal meel isagoo kula dardaarmay musharixiinta dhaca in aanay samaynin buuq iyo sawaxan

Dhanka kale madaxwayne biixi ayaa ka dhawaajiyay in laysla garanayo tirade musharixiinta soo baxaya balse ay inaga maqan yihiin magacyadooda iyo wajiyadooda uun isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;

Waxaan u mahad-celinayaa Golaha Baarlamaanka, Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka, Ciidammada Amniga, Murashixiinta iyo Shacabka Somaliland oo isla qaatay doorasho hal cod iyo hal qof ah, isla markaana ka midaysan in ay doorashadu innoogu qabsoonto, oo innoogu dhammaato si nabad-gelyo buuxda ah. Taasi waxa ay muujinaysaa qaan-gaadhnimada siyaasadeed ee ay Somaliland gaadhay.

Xukuumaddu waxa ay ku tala-gashay, oo diyaarisay Miisaaniyaddii Diiwaan-gelinta iyo Doorashooyinka oo dhan 132.6 Bilyan ooSL. Shillin ah.

Markii hawsha doorashada aynu bilownay, waxa inna soo gaadhay ballan-qaad maaliyadeed oo saaxiibada Somaliland innagu caawiyeen. Taas oo ay ku taageerayeen doorashooyinka Somaliland. Taageeradaasi la innoo ballan-qaaday, hor-dhaceediina inna soo gaadhay, waxa ay dhan tahay 50.1 Bilyan oo SL. Shillin ah. Lacagtaasi 33.1BilyanooSL.Shillinoo ka mid ah waxa bixiyey ama ballan-qaaday Dalalka UK, Sweden, iyo Midowga Yurub. Halka 17 Bilyan oo SL.Shillin ah ay bixisayTaiwan.

Dawladda Somaliland waxa ay go’aansatay in doorashada aynu qabsanno, oo aan la innoo qaban. Sababtoo ah doorashooyinku waa masiirkii siyaasadeed ee ummadda, waana masuuliyad innoo gaar ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Murashixiinta u taagan doorashooyinka isku-sidkan waa 993 Murashax. Dhammaantood waxa la soo mariyey jaran-jar sharci oo lagu hubinayo aqoontooda, kartidooda iyo xil-kasnimadooda. Ammaan, qadarin iyo ixtiraam baan u haynaa. Dadka Kubadda ciyaaraa waxa ay yidhaahdaan, ‘Kubaddu Waa Bar Cad iyo Bar Madow’. Siyaasaddana warqadda Codbixintu waa Haa iyo Maya. 331 Murashax ayaa helaya waraaqda Haa.

Walaalayaal,

Maanta oo ay doorashada innaga xigto 83 maalmood, tirada murashixiinta guulaysanaysa waynu garanaynaa. Waxa kaliya oo innaga qarsoon magacyadooda iyo wajiyadooda. Waxaan leeyahay tirada natiijada guulaystayaasha ee aan sii arkayno, marka Komishanku magacyadooda ku dhawaaqo, aynu ka ilaalino bulaan iyo sawaxan.

HALKAN KAGA BOGO WARKA MADAXWAYNAHA;

 

Exit mobile version