WAJAALE NEWS

Wararkii u Dambeeyay Iska Hor yimaadyo Dhexmaray Booliiska Faransiiska Iyo Kooxo Hubeysan oo ku Jira Guri ku yaal Magaalada Paris

Paris (Wajaalenews)-Ciidamada Booliiska France ayaa maanta weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen xubno la sheegay inay ka qayb qaateen weeraradii Jimcihii ka dhacay magaalada Paris.

Iska horimaad ayaa ka dhacay guriga ay doonayeen inay booliiska gudaha u galaan oo ku yaal deegaanka Saint Denis ee waqooyiga magaalada Paris, iska horimaadka oo bilowday 4tii subaxnimo ayaa weli socda iyadoo hada goobtaasi soo gaadheen ciidamada Militariga oo gacan siinaya Booliiska.

Dhamaan wadooyinka u dhaw guriga la sheegay inay ku jiraan kooxdan hubeysan ayaa la xidhay, sidoo kale dawlada ayaa sheegtay in dhamaan xarumaha Waxbarashada iyo ganacsiga ee deegaankaasi maanta ay xidhnaan doonaan inta uu hawlgalku socdo.

Xaafadan ayaa u dhaw Istadiyumka Paris oo kamid ah goobihii ay weerarada ka dhaceen Jimcihii lasoo dhaafay.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah Askartooda ay ku dhaawacmeen waxaana soo baxaya warar sheegaya in hada uu hal qof dhintay, la sheegin in qofkaasi uu ka mid yahay kooxda hubeysan ama askarta Booliiska.

Xog la helayo ayaa sheegaya in guriga ay ku sugnaayeen 4 qof oo midi tahay haweenay. Waxaana jira warar sheegaya in haweenaydaasi is qarxisay intuu iska horimaadka socday saacadihii hore, sidoo kalena labo nin ku dhinteen dagaalka, waxaana jira weli nin hubeysan oo goobtaasi ku sugan oo ay booliiska ku hareeraysan yihiin.

Booliiska weli si rasmi ah faah faahin ugama bixin khasaaraha, maadaama uu hawlgalka weli socdo.Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaysa in kooxdan hubeysan uu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdixamid Abaaud oo ah 28 sano jir kuna dhashay dalka Belgium kaasi oo markii hore lagu tuhunsanaa inuu ku maqanyahay Suuriya, ninkan oo kamid ah hogaanka ISIS ayaa la sheegayaa inuu ahaa qofkii dusha ka maamulayey kooxdii weerarka ka gaystay Paris.

 

 

Exit mobile version