WAJAALE NEWS

Faah Faahinta Kasoo Baxaysa Khasaaraha ka dhashay Dab Qabsaday Dhismaha Maxadka Daarul Dacwa Oo Sobobay Dhaawac 48qof.

HARGAYSA(W,N)-Taliyaha ciidanka dabdamis iyo maayara caasimada Ayaa  faah faahin ka bixiyay khasaaraha uu sobobay ka dab qabsaday madarasad quraanka ee daarul culuum  oo sobobay dhaawac 48qof iyo mid hantiyeed.

Ciidanka dabdamis ayaa gurmad ka galay dab qabsaday madarasada daarul culuum oo ku taala badhtamaha magaalada hargaysa amaba agagaarka jeelka wayn.

Dabkan ayaa sobobay 48qof oo ku dhaawacmay iyo khasaare hantiyeed oo soo gaadhay dhismaha madarasadan kuwaasi oo kala 40 dumar ah iyo 8 rag ah.

Taliyaha ciidanka dabdamiska iyo maayarka caasimada hargaysa ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dabkan kuwasi oo dadkii waxyeeladu kazoo gaadhay lagu dabiibayo cisbitaalka way nee Hargaysa

Dhanka kale maayarka caasimada ayaa dadwaynaha magaalada ugu baaqay in aanay booqashada iyo isku soo ururka ku badinin goobaha wax ka dhaceen iyo cisbitaalkaba

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version