WAJAALE NEWS

DAAWO;-Masuuliyiin Xukuumada Katirsan Oo Booqday Dugsiga Sare Ee Nuuraadiin,Soona Bandhigay 45Arday Oo Kamid Ah Kuwii Gaystay Rabshadihii Ka Dhacay Dugsiga.

“Waxaanu Samaynay Baadhintaan, Wixii Halkan Ka Dhacay Markii La Baadhay Ee Aanu Eegnay Camaradihii Iskuulka Waxaa Idinku Jira 45 Arday Oo Xun Oo ah Kuwii Dhibaatada Gaystay”Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex.

HARGAYSA(W,N)-Wasiirk kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa manta booqda dugsiga sare ee nuuraadiin qaybta inamada oo dhawaan rabshado ay iskuul khasaare ugaysteen ardaydu ay ka dhaceen halkaasi oo ay goob joog haayeen maamulka iskuulku iyo ardaydu.

Sidoo kale masuuliyiinta xukuumada ka socday ayaa ardayda kala hadlay sidii ay uhaajin lahaayeen mustaqbalka iyo cawaaqib xukumada ka dhalata rabshado ay ku kacaan.

Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay qaarkamid culimada iyo waalidiinta ardayda iyo maamulka dugsiyada nuuradiin kuwaasi oo dhamaan ka hadlay rabshadihii ka dhacay iskuulka

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version