WAJAALE NEWS

DAAWO;-Dadwaynaha Ku Dhaqan Degmada Geed Balaadh Oo Si Kulul Ucanbaareeyay Xadhiga Musharax Shucayb, Fariin Culusna Udiray Madaxwayne Biixi.

GABILEY(W,N)-Dadwaynaha ku dhaqan degmada geed balaadh Ee Gobolka gabiley ayaa iskugu soo baxay dareeno ay ku Muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xadhiga musharax Shucayb maxamed muuse oo xukuumada dhawaan xabsiga utaxaabtay.

Sidoo kale dadwaynaha degmada geedbalaadh ayaa xukuumada madaxwayne biixi ugu baaqay in ay deg deg ugu soo celiso xoriyadiisa musharax shucayb oo ay sheegeen in uu yahay musharaxa deegaanka ahaan ay uso xusheen in uu matalo.

Dhanka kale Dadwaynaha Reer Geed balaadh ayaa luuqad adag kula hadlay shakhsiyaad ay sheegeen in ay qayb ka yihiin shirqoolada loo mageelay musharax shucayb

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version