WAJAALE NEWS

DAAWO;-Dadwaynaha Ku Dhaqan Deegaano Katirsan Degmada Geed Balaadh Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Deg Deg Xoriyadiisa Ugu Soo Celiyo Musharax Shucayb.

“Madaxwayne Adiguba Doorasho Ayaad Soo Gashay Mucaarid Ayaad Soo Martay, Xuquuqda Aad Leedahay Ayuu Leeyahay Musharax Shucayb Ee Deg Deg Xoriyadiisa Ugu Soo Celi”Waxgaradka beesha musharax shucayb

GEED BALAADH (W,N)-Odoyaasha iyo Dadwaynaha ku dhaqan deegaanka magaalo farxaan ee degmada degmada geed balaadhan ee gobolka gabiley ayaa si kulul ucanbaareeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday musharax shucayb maxamed muuse oo ka sharaxnaa xisbiga Ucid xildhibaanadiisa golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex oo maalintii shanaad ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa.

Sidoo kale dadwaynaha ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu xoriyadiisa usoo celiya musharax shucayb oo ah musharaxa usharaxan bulshada ku dhaqan  deegaanada oo ay xadhigiisa ku tilmaameen mid siyaasiya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version