WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Jsl Oo Caawa Fiidkii Xabsiga Utaxaabay Musharax Shucayb Maxamed Muuse Iyo Xogaha Kasoo Baxaya Cida Amartay Xadhigiisa!

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka booliska Somaliland ayaa caawa canbaaro 7;30 habeenimo xabsiga utaxaabay musharax Shucayb Maxamed Muuse oo ka sharaxan xisbiga ucid golaha wakiilada gobolka maroodi jeex kaasi oo lagu xidhay saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa Sida ay noo xaqiijiyeen ehelkiisu,

Xadhiga musharax Shucayb Maxamed Muuse ayaa wararka Aanu ka helaynaa sheegeen in aan loo marin daqiir sharci islamarkaana aan lagu xidhay waaran maxkamadeed.

Sidoo kale xogaha laga helay xadhiga musharax shucayb ayaa sheegay In la xidhiidhaan hankiisa musharaxnimo islamarkaana ay daba ka riixayaan xubno masuuliyiin ah oo ay isku jufo hoose yihiin oo maalmihii udanbaysay uu ka dhexeeyay muran xoogan iyo faro galin dawladeed oo loo adeegsanayay in la laga been sheego shahaadooyinkiisa waxbarasho kuwaasi oo ay uxidhnaayeen laba qof oo iyagu kala ah muxiyadiin ibraahim Aadan oo ay isku iskuul ahaayeen islamarkaana diiday warqad ay ka dalbeen in uu sexeexo lagaga been sheegayay Shahaadadiisa dugsiga sare iyo macalin katirsan dugsigii uu ka baxay Ee Al furqaan kuwaasi oo dhamaan lagu qasbayay in ay sexeexaan waraaqo musharaxnimada shucayb ku lid ah wallow haayadaha dawlada ee ku shaqada leh tastiiqinta shahaadooyinka musharixiinta golayaasha wakiilada iyo deegaanka ay ansixiyeen shahaahada musharax shucayb Islamarkaana ay ka gudubtay dhamaan heerarka ay komishanka Doorashooyinku ugu talo galeen in ay maraan shahaadooyinka musharixiinta.

Dhanka kale musharax shucayb oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in faro galin ay xukuumada iyo shakhsiyaad kale oo uu sheegay ay ku hayaan hankiisa musharaxnimo islamarkaana ay doonaayaan in ay usoo maleegaan shirqoolo lagu dibin daabyaynayo,taasi oo caawa dhabowday wixii uu kasii digayay.

Xukuumada Somaliland iyo haayadaha amaanka ayaa wali ka hadal ujeedada loo xidhay musharax shucayb iyo danbi uu galay Ee lagu haysto Iyo cida ka dhibanaha ah,

Sikastaba ha ahaatee xadhiga musharax shucayb  ayaa la xidhiidha damaciisa musharaxnimo taasi oo ka hor imanaysa Qawaaniinta uu dastuurka Somaliland udamaanad qaaday Muwaadiniinta Reer Somaliland oo ah in ay is sharixi karaan la dooran karo waxna ay dooran karaan, iyadoo xadhiga musharax shucayb ay dhaawac ku tahay  dimuqraadiyada Somaliland iyo hanaanka xisbiyada badan loo samaystay,

Waxaynu laga war sugu doonaa waxa ay xukuumadu ku sifayso xadhigiisa iyadoo hore sifo sharciga baalmarsan xukuumadu uxidhay laba musharax oo xisbiga ucid katirsan kuwaasi oo hankoodii musharaxnimo ay xukuumadu ku dibin daabyaysay halka musharax kale oo isla xisbiga ucid ahna loo diiday warqadii danbi la,aanta ee ay bixiyo xafiiska xeer ilaalinta Somaliland.

WIXI KASOO KORDHA XADHIGA MUSHARAX SHUCAYB KALA SOCO WARARKEENA DANBE

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

Exit mobile version