WAJAALE NEWS

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Kulan La Yeeshay Wafti Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay Kawada Hadleen!

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti diblumaasiyiin iyo madax sar-sare ah oo ka socda dalalka iyo ururrada kala shaqeeya Somaliland arrimaha horumarka iyo dimuqraadiyadda oo ay ka mid yihiin; UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU, kuwaas oo booqasho ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka oo qodobada ugu badan lagu lafa-guray arrimaha la xidhiidha doorashooyinka is-barkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka Somaliland ee qabashadeedu u muddaysan tahay 31-ka bisha May ee sannadkan 2021, waxay weftiga ka socday beesha caalamku si weyn ugu ammaaneen Xukuumadda Somaliland, axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida wanaagsan ee ay u hirgeliyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhaqaalihii ku baxay ay bixisay dawladda Somaliland, taas oo ku dhammaatay si nabadgalyo ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu u sheegay weftiga in xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha qabashada doorashooyinka isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda koowaad tahay in doorasho xor iyo xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka Somaliland waqtiga loo muddeeyey, taas oo wax kastoo carqalad ku noqonayaana ay axsaab ahaan iyo dawlad ahaanba si wadajir ah uga soo horjeedaan.

Waxa kaloo Mudane Axmed Cabdi-dheere ku wargeliyey xubnaha weftiga kulanka la qaatay in xisbiga KULMIYE uu gacan buuxda siinayo murrashaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ah ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dadaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka talada dalka ee labadan qaybood ee bulshada ka tirsan.

Dhankooda weftigani waxay ballanqaadeen in ay diyaar la yihiin wixii taageero ah ee ay dalalkooda iyo ururrada ay ka socdaan ka gaysanayaan doorashooyinka Somaliland.

Gebogabadii, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi-dheere oo ay kulankaas ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee xisbiga Mudane, Ibraahim Axmed Raabbi iyo Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga, waxa uu shirkaasi ku dhammaaday is-afgarad buuxa.

ALLAA MAHAD LEH

Mudane, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Exit mobile version