WAJAALE NEWS

Weftigii uu Hoggaaminayey Guddoomiye Cirro oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Deegaanada Ku Teedsan Jiida Bariga, Hawd-ka iyo Galbeedka Gobalka Togdheer.

Togdheer(Wajaalenews):-Wefti ballaadhan oo looggu magac daray SAMA-WADE, isla mar ahaantaana uu hoggaaminaayey guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ay sida oo kalena ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland xukuumaddii Daahir Ra’yaale siyaasi Cabdi Haybe, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo mas’uuliyiin kale oo maalmahii ugu dambeeyey socdaalo ku maraayey deegaanada ay diiwaan-gelintu ka socoto ee ka tirsan gobalka Togdheer, ayaa si ballaadhan looggu soo dhaweeyey guud ahaan deegaanada ku teedsan Bari, Hawd iyo weliba jiida deegaanada gobalka Daadmadheedh ee galbeedka ee gobalkaasi Togdheer.

Weftigan oo u jeedkiisu ahaa siddii dadka ku dhaqan deegaanadaas looggu wacyi-gelinta lahaa diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha sida oo kalena daarnaa xog-oggaal u noqoshada xaaladda guud iyo midda nololeed ee deegaannadaas, ayaa waxa soo dhaweyntooda ka qeyb-qaatay mas’uuliyiinta degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanaddaasi, madax-dhaqameed, wax-garad, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Weftigan oo ugu horeyn socdaalkiisa ka billaabay deegaanada Bari ee ku teedsan dhinaca xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka mid ahaa magaalooyinkii uu weftigu socdaalkiisa ku soo maray magaalooyinka Inna Af-madoobe, Qoryaale, War-cimraan, Dan-dan, Shansha’ Cadde, Taalla-Buur, Balii-Dhiig iyo Dhaqoshay, iyada oo dhammaantoodba ay dadka deegaanaddaasi ku qaabileen caleemo-qoyan , qalbi furan iyo niyad wanaag ay ku muujiyeen sida ay ugu heelan yihiin xisbiga WADDANI.

“Aad iyo aad ayaanu dhammaantayo ugu faraxsannahay in uu na soo booqdo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga uu hoggaaminaayo, diiwaan-gelintu deegaanka si fiican ayey uga socotaa, waxaana aan idiin sheegayaa in guud ahaanba shacabka ku nool Shan-sha’ cadde ay u heelan yihiin xisbiga WADDANI, waxaanu leenahay maanta cidda cid nooggu dhawi waa Siilaanyo, isna murashax maaha, Inna Kaahinna murashax maaha, waxa aanu lee nahay Oodi Ab ka dhow, guddoomiye Cirro waxa aanu u sheegaynnaa in codka Shansha cadde aanu meel kale mari doonin, Shan-sha’ cadde waa wada WADDANI.”.Ayey yidhaahdeen Odeyada deegaanka Shan-sha’ cadde.

Guddoomiye Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ka dib qado-sharaf ay reer Shan-sha’ cadde ku maamuuseen wefti isla mar ahaantaana la hadlaayey boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha baaxadda leh ee Shan-sha’cadde, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey, waxaana uu si aada ugu mahad-celiyey guud ahaanba shacabka reer Shan-sha’cadde iyo weliba sida oo kale deegaanada aadka u tirade badan ee sida laxaadka leh loogga soo dhaweeyey, isaga oo carabka ku dhuftay in maanta aanay haba-yaraatee jirin cid ka xigta codka deegaanada Bariga Gobalka Togdheer.

 

“Farxad weyn ayey ii tahay sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen, waanu idiin ka mahad-celinaynnaa dhammaantiina sida aan kala hadhka lahayn ee idinka oo mid ah aad nooggu soo dhaweyseen guud ahaan deegaanada bariga gobalka Togdheer ee Inna-Af-madoobe illaa Balli Dhiig, waxa fadxad ii ah in aan maanta ku suganahay deegaanaddii kursiga saaray madaxweyne Siilaanyo, markii hore waxa aan islahaa deegaanadani qaadi kari maayaan in aad ku labayso Siilaanyo, laakiin maanta isna murashax maaha, mar haddii aanu sharaxnayn madaxweyne Siilaanyo, waxa aan idiin sheegayaa in aan deegaanadan codkooda cid iga xigtaa aanay jirin.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),

Intaas ka dib, waxa weftiga SAMA-WADE ee uu hoggaanka u hayey guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro uu uga sii gudbay deegaanada Hawd-ka iyo Galbeed ee ay iyagana diiwaan-gelintu ka socoto oo ay ka mid ahaayeen Riyo-Xidho, Duruqsi, Gorayo-xun-sare, Xaaji Saalax, Laan-mullaaxo, Raydab-Khaatumo, Gudubi, Daba-goryaale, Xayndaalle, Cabdi-dheere, Hara-shiikh iyo Xaaxi, waxaana weftigu uu deegaanaddaas kala kulmay soo dhaweyn aad u ballaahan, iyaga oo ku qaabilay lulidda caleemo qoyan, sida oo kalena ku dhawaaqayey hadalo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay taageerada hiil iyo hooda leh ee ay la garab taagan yihiin xisbiga WADDANI.

“Guddoomiye, waxa aad maraysaa deegaanaddii kabaha laguugu tolay, waxa aanu ku faraxsanahay booqashadaada, guud ahaan deegaanadani waa WADDANI oo kaliya, aad iyo aad ayaanu mar walba idiin sugaynay, deegaanadan codkooda adiga ayaa iska leh, cid kugu labaynaysaana ma jirto.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah cuqaasha deegaanadaasi.

Mar kale guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si weyn ugu mahad-celiyey dadweynaha ku dhaqan deegaanaddaasi, waxaana uu sheegay uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ballaadhan ee ay u sameeyeen, isaga oo carabka ku dhuftay in deegaanadani ay yihiin kuwii laf dhabarta u ahaa xisbiga WADDANI loona baahan yahay siddii ay si laxaadle iskugu diiwaan-gelin lahaayeen si ay hormuud uga noqdaan isbedelka dhabta ah ee la doonayo in dalka laga sameeyo.

“Waxa farxad noo ah in si aada aad noogu soo dhaweysaan deegaanadan hawd-ka iyo weliba galbeedka Togdheer, deegaanadani waa kuwii aanu ku xisaabtamaynay cod ahaan, iyo weliba taageero ahaan, waxa  kale oo aan idiin sheegayaa in deegaamadani ay yihiin kuwii aan yaraan tayaddii ku soo barbaarnay, macalin ayaan ka soo ahaa qaarkood, kuwo kalena aabahay ayaaba ka shaqeyn jiray, waxa aan idiin ku nimi uun in aanu idinku dhiiri-gelinno siddii aad u qaadan lahaydeen kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo lama huraan u ah guusheenna, waxa aan mar kale idin ku boorinayaa in aydaan hal cod innaga khasaarin oo aad dhammaantiinba is diiwaan-gelisaan.”.Ayuu Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambeyntiina, mas’uuliyiin kale oo ay ugu horeeyaan guddoomiye xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka xukuumadii Daahir Ra’yaale iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba si aada uga mahadceliyey soo dhaweynta ballaadhan ee ay u sameeyeen dadka deegaanaddaasi ku dhaqan, waxaana uu wefti ugu dambeyntii u soo hoyday magaalada Oodweyne ee gobalka Daadmadheedh.

Exit mobile version