Hargeysa(W,N)-Ciidamada Booliska Somaliland, oo kala taabacsan Saraakil Ciidan oo Hab-beeleed ula kala safan Muran-dhul oo ku yaala Buurta Naasa-hablood hoosteeda, ayaa Maanta iska Hor-imaad is rasaasayn ah ku dhexmaray Bariga Magaalada Hargeysa.
Muranka dhulka ayaa yimi, kaddib markii ay huwan isagu jirta ganacsato, Xildhibaan Tima-Cade oo kamid ah golaha Deegaanka Hargeysa, iyo shaqsiyaad kale ku qabsadeen Beer ku taala Duleedka Naasa-hablood, qoyskaas oo haysta sharciyada dhulkaas, ayaa markii lagu qabsaday Beerta usoo dacwooday Saldhiga Xaafada Sheekh Nuur oo xukuma. Kadib markii Taliyaha Xaafada Sheekh Nuur uu sida la sheegay labada dhinac ka Dalbaday inay tusan waraqaha lahaanshaha dhulka, halka qoyskii degena tuseen mulkiyadaha dhulkaas, balse kooxda huwanta ahi, halkaas sheegeen inaanay haysan wax Waraaqo ah.
Hase-yeeshee huwanta uu isagu jira Xildhibaan Tima-Cade iyo ganacsatada oo iyaggu reer ahaan ugu garab-doontay Hogaanka sare ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Ciidan kale dul-geeyey Ciidamadii uu ilaalada u geeyey Taliyaha Saldhiga Sheekh Nuur, waxana halkaa ka dhashay iska Hor-imaad is raasasayn xoogan oo saaka si weyn looga maqlaayey Bariga Magaalada Hargeysa.
Xiisada sababtay iska horkeenka Ciidamadan ayaa Ilo wareedyo Xog-ogaal ahi sheegeen inuu bixiyey Amarkooda Taliyaha Qaybta Bari ee ciidanka booliska Magaalada Hargeysa.
Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in dhaawac fudud iska hor-imaadkaas kusoo gaadhay Taliyaha Saldhiga sheekh Nuur, iyadoo aan la ogayn meesha uu jaan iyo cidhib Dhigay.
Si kastaba ha haatee, Dhacdadan ayaa ah mid fadeexad ku ah Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland oo hab Beelaysan garab ku siiyey kooxda ay isku haybta yihiin, taasoo maanta sababtay in Ciidamada goobta iskaga horyimid kala wateen amaro maamul xumo iyo kala taabacnaan lagu milmayo dhinacyada Muranku ka dhexeeyo. Xidhiidh Warbaahintu la samaysay dhinacyada Booliska ee Dhacdadani Khusayso oo aanay noo Suuro-gelin Kadib Telefoonadooda oo Xidhna awgood.
XIGASHO XOGREEBNEWS