WAJAALE NEWS

DAAWO;-Waraysi La Layeeshay Safiirka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya, Waxa Uu Ka Yidhi Kulamo Uu La Qaatay Madaxda Somaliland?

HARGAYSA(W,N)-Safiirka Dalka Ingiriiska ufadhiya Somaliya Amb Mr Ben Fender oo booqasho ku yimid Somaliland ayaa lalayeeshay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo wax lagaga waydiiyay xaalada somaliya kaasi oo kaga hadlay waxyaabaha ay dalka Uk ugu deeqeen Somaliland iyo marxalada ay ku sugan tahay somaliya.

Sidoo kale safiirka dalka ingiriiska  ufadhiya somaliya Amb ayaa ka hadlay safarka uu ku yimid Somaliland iyo udiyaar garowga Somaliland ee doorashooyinka soo socda oo uu sheegay in uu kala hadlay qabadashada doorashada madaxwayne biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada wadani iyo Ucid isagoo xukuumada Somaliland ku amaanay sida ay uqabteen diwaangalinta codbixiyayaasha

Dhanka kale safiirka dalka ingiriiska ufadhiya somaliya ayaa ka hadlay wadahadaladii somaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalka jabuuti oo uu sheegay dalkiisu In ay dhiiri galinayaa sidii ay usii socon lahaayeen wadahadalada labada dallka

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSI LALAYEESHAY SAFIIRKA INGIRIISKA UFADHIYA  SOMALIYA;

Exit mobile version