WAJAALE NEWS

Dawlada Itoobiya Oo Ogolaatay Baadhitaan Ay Hore Uga Diidaneyd Qaramada Midoobay In Lagu Sameeyo Gobolka Tigrey,

ADIS ABABA(W,N)-Madaxa xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey Michelle Bachelet ayaa ogolaatay codsigii Ethiopia ee oo ku saabsanaa in si wadajir ah baadhitaan loogu sameeyo woqooyiga gobolka Tigray, halkaasi oo Bachelet ay sheegtay  in laga yaabo in xad gudubyo iyo dambiyo dagaal ka dhaceen.

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay xadgudubyada ka dhacaya Tigray, halka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu ku tilmaamay falalka laga fuliyay gobolkaasi inay yihiin isir sifeyn inastoo Dowladda Itoobiya diiday eedeynta Blinken.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Bachelet ayaa oggolaatay codsi uga yimid guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) oo ay dawladdu maamusho oo ahaa in baarintaanka ay dowladda Itoobiya qeyb ka noqoto, lana siiyo fursad ay kula shaqeeyaan baareyaasha Qaramada Midoobey.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha iyo EHRC waxay hadda soo saarayaan qorshe baadhitaan oo ay ku jiraan adeegyada muhiimka u ah baadhitaanka, si ay fududaato ismarkana   si deg deg ah loo billaabo howlgalkan” ayuu yidhi afhayeenka guddiga Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jonathan Fowler.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa Sabtidii sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso khubarada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha si loo sameeyo baadhitaanno ku saabsan eedeymaha la xidhiidha xadgudubyada lagu eedeeyay.

Hey’adda Amnesty International ayaa bishii hore ku eedeysay ciidmada Eritrea inay magaaladda Axum ee gobolka Tigray ku dileen boqolaal rayid ah sanadkii hore.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowlada Itoobiya iyo xisbigii hore u xukumi jiray gobolka Tigreega TPLF ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, halka boqolaal kun oo kale lagu qasbay inay ka barakacaan guryahoodii oo ku yaal gobolka buuraleyda ah oo qiyaastii dadkiisu gaarayaan 5 milyan.

Exit mobile version